Weeraryahanka Xulka Cameroon Iyo Kooxda Besiktas Ee Vicent aboubakar ayaa ka hadlay Heshiishkii uu kaga huleelay kooxdiisi hore ee alnasser kadib imaanshiyaha Cristiano.
Kadib Toddobaadyo lagu xamanayay, alnasser ayaa lasaxeexatay Ronaldo Dhamaadkii Bishii December iyagoo Ka Faaideystay In Laga soo fasaxay Manchester united.
Imaanshiyaha Ronaldo Ayaa Ka dhignaa in alnasser ay sharci ku tahay iney fasaxdo ciyaartoyda ajaanibka ah ee u ciyaara.
Aboubakar aya noqday ciyaaryahanka laga fasaxay alnasser balse wuxuu heshiish xor ah oo laba sano iyo badh ah ugu wareegay besiktas.
Vicent aboubakar ayaa haatan daboolka ka qaaday in markii uu yimid ronaldo go aansaday inuu isaga tago isla markaana ronaldo horay ugu codsaday inuu kooxda sii joogo.
"Imaanshiyaha ronaldo Waxaan u caddeeyay tababaraha in xataa kahor imaanshaha inaan doonayo inaan katago markii uu yimid waxay noqotay in ciyaartoy ajaanib ah lasii daayo" sida wuxu aboubakar usheegay Canal+.
"Ronaldo wuxuu iweydiystay inaan joogo kooxduna waxay dooneysay inaan joogo oo ugu yaraan ilaa dhamaadka xilli ciyaaredka ku qaato alnasser kooxdu diyaar ayey u aheyd inaan joogo oo ay mushaarkeyga bixiso ilaa dhamaadka xili ciyaaredka"