Maxa kacusub Suuqa Kala iibsiga Maanta oo Talaado ah


Manchester United ayaa xagaaga isku dayi doonta iibinta Alex Telles, Harry Maguire iyo Anthony Martial iyadoo saxeexa weeraryahan cusub doonaysa una dhaqaaqi karta midkood Harry Kane amaba Victor Osimhen. (MEN)

Tottenham ma iibin doonto Harry Kane suuqa xagaagan. (Times)

Manchester United ayaa u baahan doonta inay 120 Milyan oo pound xagaaga ka bixiso Declan Rice haddii ay saxeexiisa doonayso maadaama 100 Milyan oo pound loogu diiday xagaagii hore. (Talksport)

Paris St-Germain ayaa doonaysa saxeexa Bernardo Silva oo u furan inuu Man City ka tago balse waxay tartan kala kulmayaan Barcelona. (Le10 Sport – in French)

Manchester United ayaa sidoo kale isha ku haysa garabka Atletico Madrid ee Yannick Carrasco. (AS – in Spanish)

Real Madrid ayaa aaminsan in Jude Bellingham uu dooran doono horyaalka Premier League marka uu ka tago xagaaga Borussia Dortmund. (Athletic – subscription required)

Kooxda horyaalka Maraykanka ee Los Angeles FC ayaa Chelsea wax ka weydiisay arrimaha weeraryahan Aubameyang. (Relevo – in Spanish)

West Brom tababaraheeda Carlos Corberan ayaa hoggaaminaya liiska macalimiinta Leeds ku bedeli karto Jesse Marsch. (Guardian)

Real Madrid halyeeygeeda Raul Gonzalez oo haatan kuliyada da’yarta Los Blancos macalin ka ah ayaa diiday shaqada Leeds. (AS)

Juventus ayaa beenisay wararka sheegaya inay kansalayso heshiiska Paul Pogba oo dhaawacan tan iyo markii uu kaga soo biiray Man United xagaagii. (Fabrizio Romano)

Southampton mulkiilayaasheeda ayaa mustaqbalka tababare Nathan Jones  ka wada hadlay kaddib guuldarradii 3-0 ka ahayd ee Brentford balse go’aansaday inay haatan sii haystaan. (Talksport)

Aston Villa xiddigeeda Philippe Coutinho ayaa diiday heshiis uu ugu wareego Galatasaray. (TeamTalk)

Chelsea ayaa indho-indhaysay goolhayaha FC Porto ee Diogo Costa xilli ay dib u habayn booska goolhayaha kooxdeeda ku samayn karto xagaaga. (90 Min)

Inter Milan ayaa daafaca dhexe ee Fulham ee Tosin Adarabioyo ku darsatay liiska xiddigaha ay bedelka Skriniar oo PSG ku biiraya u doonayso. (Tuttomercatoweb – in Italian)




Post a Comment

Previous Post Next Post