Sida ay sheegayaan warar cusubi, kooxda sida weyn isku hubaynaysa ee Chelsea ayaa u dhaqaaqi karta saxeexa tababare Luis Enrique haddii ay caydhiyo Graham Potter.
Wargeyska ree Spain ee Fichajes ayaa sheegaya in Blues ay xoojiyeen aragtida ah inay u dhaqaaqaan macalin Enrique gaar ahaan kaddib xaalada adag ee uu ku jiro Potter.
Marka laga yimaado inuu mulkiile Todd Boehly lacag badan kooxdiisa galiyay labadii suuq ee uu joogayba haddana waa kuwo natiijooyinkoodu liitaan oo wali booska sagaalaad ka jooga kala sarreynta.
Fichajes ayaa sheegaya in Enrique noqon karo macalinka layliya saxeexyada lacagta badan ku jooga Chelsea ee Mykhailo Mudryk iyo Enzo Fernandez.
Tababarihii hore ee xulka Spain ayaa shaqo la’aan ah tan iyo Koobkii aduunka markii xulkiisu ku hadhay sababta Morocco oo wareega 16-ka ku dishay.
Heshiis uu ugu wareego Chelsea ayaa ka dhignaan karta inuu markii ugu horreysay shaqada tababarenimo kusoo laaban karo tan iyo 2017.
52 sano jirkaas ayaa wakhti guul ah kusoo qaatay Barcelona oo uu sanadkii 2015 ku hoggaamiyay ku guuleysiga saddexleyda.