Xidig barcelona ah oo ay ku dagalamayan kooxaha waawayn ee yurub

 


Xiddig ka tirsan kooxda kubadda cagta Barcelona ayay ku tartamayaan

Toddoba kooxood oo waaweyn oo reer Yurub ah oo mid walba ay 

doonayso inay Camp Nou kasoo afduubato xiddigan oo aan ku 

qanacsanayn inuu sii joogo kooxdaas, kaddib markii uuka waayay boos 

joogto ah.

Tababare Xavi Hernandez ayaa inta badan xilli ciyaareedkan ku dhegsan 

shax si fiican iskula jaan-qaadday, waxaanay taasi dhibaato ku noqotay 

xiddigo mustaqbal weyn leh oo waayay booskii ay isku muujin lahaayeen.

Mid ka mid ah ciyaartoyda ku dhibaatoonaya Camp Nou ee boos la’aantu 

ku dhacday waa da’yarka xulka Spain ee Ansu Fati oo ay da’diisu tahay 

20 jir, hse yeeshee afar sannadood ka hor jabiyey darbiga kooxda koowaad 

oo uu noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee gool u dhaliya.

Laacibkan ayaa kulamo tiro-yar dheelay xilli-ciyaareedkan, waxaana uu 

booska cidhiidhsan kari waayey Robert Lewandowski oo weerarka dhexe 

loo daayey, halka garbahana ay Ousmane Dembele iyo Raphinha 

ay ka haystaan, waxaanay taasi keentay inuu ka fiirsado mustaqbalkiisa.

Warka ayaa intaa ku daray, in toddoba kooxood oo waaweyn oo reer Yurub 

ah ay doonayaan inay la saxeexdaan Ansu Fati, waxaana ugu horreysa 

Bayern Munich oo si dhow ula socota xaaladda laacibkan.

Si kastaba ha ahaatee, Ansu Fati ayaa u dagaallami doona booskiisa 

Barcelona inta ka hadhay xilli ciyaareedka, waxaana uu mustaqbalkiisu 

dhinac u dhici doonaa xagaaga.

Post a Comment

Previous Post Next Post